DIIWAANKA BOQORTOOYADA GAALJECEL
Qaybta Koowaad}
ABTIRKA GAALJECEL SARANSOOR

Beesha Gaaljecel waa beel nabadeed aadna u jecel diinta, waa qabiilka ugu geela badan guud ahaan Soomaaliya.

Gaaljecel guuroow Dagoow

Geelle eriloow

Gojaxa wayn guuriyoow

Guul guul ma gali

Gubnaha gaaleey qabaan

Gaaljecel guulle aas qabaa

Tolwaynaha Gaaljecel waxa ay dagaan gobolada: Hiiraan, Shabeelaha dhexe, Shabeelada hoose, Baay, Bakool, Gado, Jubada hoose, Jubada dhexe, Banaadir,
sidoo kale beesha waxa ay dagtaa gobalka Togdheer, Dhulka soomaali galbeed ee Itoobiya gumaysato, Dhulka Soomaalida koofurta fog ee Keenya gumaysato.

1. Dalka dacal ka dacalaan dagnaa daahna ma saara.

2. Dabato ma nihin qabiil duunyo badan daaqsadaa nahaye.

3. Reeraan dab loo shidin hadana daaqsadoo guura.

4. Oo ilmaha doobta caanaha dacal jiifaan.

5. Waa duni kale oo gaara dowlada Gaaljecele.

6. Dhaqan aan duugoobin iyo taariikh dahabiyaan leenahaye.

7. Nabad la doono iyo daris wanaag waa dabci noo gaara.

8.Dulmiyo ma jeclin dirir sokeeye dilid walaal keeye.

9. Ma daayo cadaw soo duulay iyo daalim ii cola.

10. Dar Alaan u noolahay iyo difaaca xaqa diineede.

11. Haduu daandaansi jiro iyo gumeyste duulaana.

12. Tolkeyga waa uga dartaa abid koodba daaya nabadeede.

Tolwaynaha Gaaljecel abtirsidiisa waa sidan:
Gaaljecel Saransoor mataan Riyaale garjante Gardheere Samaale Hiil Abroone.

Tolwaynaha Gaaljecel waxa uu u kala baxaa:

1. Barsane waa curadka Gaaljecel waxaana ka dhashay halyeyga ugu caansan Soomaaliya, Sheekh Xasan Sheekh Axmed Sheekh Nuur oo ku magac dheeraa Sheekh Xasan Barsane.

2. Sooraanle: waxa uu dhalay Saddax wiil oo kala ah :

Doqondiide, waxa uu u kala baxaa laba jufo oo kala ah:
Zubeer iyo Ilkoolo

Macaawiye: Waa jufo ilbax ah, una badan ganacsato, hasayeeshee dulmi badan iyo xad-gudub ayaa lagula kacay oo falkaasina waxaa u dhan gaaljecel.

Dhoolo-dhaqan; asna wuxuu dhalay Ersandhali: waxa uu u qayb samaa;

■ Dirisame: waxa uu u kala baxaa laba Jufo oo kala ah:
Gargilis iyo Waasuge

■ Doorwaaq: waxa uu u kala baxaa :

● Abtisamo waa curudka jufada Doorwaaq waxaana u sii kala baxaa laba jilib oo kala ah
•Xaaji Saalax waa hogaanka dhaqanka Tolwaynaha Gaaljecel, waxaana ka soo jeedo ogaasyada beesha.
• Jidfarax waa tujaar iyo geesiyo u taagan had iyo goor kor u qaadida magaca beesha.

● Milaax: waa jilib ku caan ah geesinimo, go’aan adeeg iyo hogaaminta guluf dagaakeedka.

● Lahubo: waa Jilibka ugu badan Tolwaynaha Gaaljecel, waxayna u kala baxaan.

* Cumar waa laba jilib oo kala ah:

● Makaahiil waa Jilibka ugu geela badan Tolwaynaha Gaaljecel, waxay caan ku yihiin, dagaalyahanimo, geesinimo, waxaana ka dhashay halyeeyada xaga dagaalka iyo gartaba waxaana ula baxaa lafo badan oo kala ah;

★ Cali Makaahiil oo loo yaqaan oo uu ku caan baxay {Odacad Deeqle} ama {Jabiiq}
Waa curudka Makaahiil waxa lagu yaqaanaa geesinimo ,deeqsinimo, dagaalyahanimo,
xornimo doon ,

* Cali Makaahiil waxa uu dhalay laba wiil oo kala ah : Maxamad waxa uu dagaa Harar dhulka soomaali galbeed, gobalka Awdal iyo Jabuuti

* Faarax waxa uu dhalay Hilowle, oo isagana dhacay Caalin:
Caalin Hilowle, waxa uu ahaa hogaamiye cadaalad ah, waxa uu dhalay todobo wiil oo kala ah:
1. Nuur Caalin
2. Samatar Caalin
3. Wacees Caalin
4. Borrow Caalin
5. Xasan
6. Cumar Caalin
7. Maxamuud Caalin

● Yabar Makaahiil waa laba;
1. Muuse 2. Aadan

Aadan Yabar waa afar;
1. Dhoorow 2. Ciraaq
3. Axmed 4. Ismaaciil

Labada hore ee Dhoorow iyo Ciraaq way caroodeen lama haayo wax ka jooga.

Ismaaciil Adan waxa uu u kala baxaa :
● Caafi Cifaaf Cabdi
● Caalin Cifaaf Cabdi
● Sugoow Rooble Cabdi
● Faarax Xirsi Rooble
● Cali Cabdi

Axmed Aadan
● Cumar Mataan Cabdi Axmed
● Eraballa Cabdi Axmed
● Yabar Kheyr Cabdi Axmed oo kala ah;
1. Aamin Yabarow 2. Xalane Yabarow iyo
3. Maxamuud Yabarow oo kala ah Saddax:
● Dheemow ● Magan iyo ● Noolow

● Bees Lahubo; waa jufo nabadda jecel waxay caan ku yihiin aftahanimo iyo codkar waxaan looga maarmin garta iyo geed ka hadalka.

Hadalka gad ayuu leeyahay lama gudbaane.

Tolkana gudoonuu leeyahay iyo gar yaqaane.

Gole ka hadal gorfeynta xaajada geedka dhaqameed.

Laguma gaaree Bees Lahubo waa gudoon kiye.

● Caloofi Lahubo waa jufada ugu tirada badan sadaxda lahubo dorwaaq sido kale waa ugu geel badanyihiin waana halyeeyo geesiyaal eh wuxuu u kala baxaa laba jufo

– Bilac Caloofi

– Yabar caloofi

– kaboole caloofi

~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~

Abwaan Cumar Mahad

Wixii aan khalday waa gaabis xageyga ah, aadane ma dhameys tirna,
waxaan u istaagay ururinta iyo qorida taariikhda, Suugaanta, Hidaha iyo Dhaqanka Beel waynta afarta ilma SARANSOOR.

waxaan si sharaf leh idiin kaga codsanayaa inaad ii soo dirtaan Maansa yahanadii hore ee beesha gabayadii ay tiriyeen cidii wax ka haysa.

wixii dheeraad ah noogu soo hagaaji
gaaljecelsamow@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here