Mid ka mid ah ciyaarihii ugu cajiibsanaa toddobaadkan ayaa ka dhacay garoonka Emirates Stadium halkaas oo ay Arsenal iyo Leicester City isku canaanteen.

Kooxda Foxes ayaa si waalli ah ku billawday kullanka, iyagoo dardar xooggan kullanka kusoo galay.

Kubbad uu isku dayay Ben Chilwell ayaa Bellerine uu shabaqiisa geliyay taasoo ka dhigtay in hooggaanka ciyaarta ay qabtaan iyagoo jooga wuqooyiga London.

Bandhig cajiib ah oo uu sameynayo Mesut Ozil ayaa ka saacidday Gunners inay soo noqosho cajiib ah sameeyaan.

Goolka bareejada ayaa uu dhaliyay, waxaana uu kubbad baaskeeda uusoo dhisay usoo celiyay Hector Bellerine.

Markii dib la isugu soo laabtay waxaa beddel kusoo galay Pierre-Emrik Aubameyang kaasoo shumaca garoonka noqday.

Kubbad uu dhisay Ozil, isla markaasna uu soo sallaxay Bellerine ayaa shabaqa waxaa ku leexiyay Aubameyang.

Daqiiqado ka dibne Mesut Ozil ayaa kubbad kale u sallaxay isla Auba taasoo ka dhigtay in 3-1 ay guul ku gaaraan.

Arsenal ayaa caawa si madax adeeg ah kaga adkaatay Leicester City oo marti ku ahayd garoonka Emirates.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here