Qaar kamid Xildhibaanada Aqalka Sare qaybta laga soo daartay Galmudug oo shalay soo gaaray Galkacyo ayaa kulan la leh Madaxweyne Xaaf kaasi oo looga arin sanayo xal uhelidda xiisadda siyasadeed ee galmudug iyo Xiriirka Dowladda dhexe ee galmudug kala dhaxeeya

Xildhibanadda Aqalka sare oo uu hogaaminaayo Gudoomiye Kuxigeenka 1aad Abshir Bukhaari isla markaana ay kamid yihiin C/qaybidiid iyo xubna kale waxaana ujeedkooda uu yahay sidii ay wada hadal ula gali lahaayeen Xaaf

Kulan kasocda Hotel Five stare ayaa waxaa wada leh Xildhibaanada iyo Xaaf waxaana warar laga helayo kulanka halka uu kasocdo ayaa sheegaya in la isku fahmi la yahay hanaanka wada hadalka loo wajahayo iyo sida lagu bilaabo

Ilo Xog ogaal ah ayaa sheegaya in Xubnaha Xildhibaanada ay wadaan qorshe ku aadan sidii madaxweyne xaaf looga baajin lahaa shirka lagu wado in uu ka dhaco Garoowe kaasi oo ay isugu imaanayaan Madaxda Maamulada dalka kajira hasa ahaatee xaaf ayaa arinkaa ka biya diidsan waxaana ilaa iyo haatan socda kulan irdaha ay uxiran yihiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here