Kooxaha Liverpool iyo Manchester City ayaa bar-bar dhac ku galay ciyaar ka qabsoontay gegida Anfield iyadoo kooxaha Pep Guardiola iyo Jurgen Klopp ay min hal dhibic kala qaateen.

Riyad Mahrez ayaa ah hadal haynta ugu weyn ee kulankan kaddib markii uu gool kulaad daqiiqadii 86-aad ka lumiyay Sky Blues isaga oo ku ceeboobay fursad uu kooxdiisa kaga soo af-jari karayay habaarka garoonkan ka haystay 17-kii sano ee ugu dambeeyay.

Kulanka ayaa ku bilaabmay qaab ay dhiiranaan badani ka muuqatay labada kooxood waxaana si dhakhso ah loo dareemayay inuu yahay kulan u dhaxeeya labada kooxood ee ugu sarreeya horyaal u xiiso badan sida Premier League.

Daqiiqadii saddexaad ee kulankan ayay ahayd markii uu xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah oo mudooyinkii ugu dambeeyay ka maqnaa gool dhalintu uu ku dhawaaday inuu daah furo gool-dhalinta xiddigan balse dedaalka kubad uu ku tuuray goolka City ayaa ku dhammaaday inay birta hareer marto.

Mohamed Salah of Liverpool shoots at goal

Labada kooxood ayaa intaa kaddib aan samayn wax fursad ah oo halis ah iyada oo koox kastaa isku dayaysay sidii ay marka hore goolkeeda u ilaashan lahayd.

Daqiiqadii 20-aad ee kulankan ayay dhacday sheeko hadal hayn badan keentay kaddib markii Manchester City ay ku dooday inay xaq u leeyihiin gool kulaad amaba rigoore, Daafaca Reds ee Gomez ayaa sameeyay khalad weyn isaga oo kubad si qaldan ugu dhiibay Aguero balse weeraryahanka City waxa uu cadaadis kala kulmay Lovren taas oo keentay in kooxd Guardiola ay rigoore dalbato walow aan loo joojin.

Qaybtii hore ee kulankan ayaa lagu kala nastay 0-0 ay labada kooxood ku heshiiyeen bareejo goolal la’aan ah, Labada dhinac ayaa u muuqday kuwo marka hore masuuliyad iska saaraya sidii ay goolkooda u ilaalin lahaayeen.

Qaybta dambe ayaa ku bilaabantay mid ay Manchester City u muuqato kooxda weerarka ah, Riyad Mahrez ayaa daqiiqadii 61 ku dhawaaday inuu hoggaanka u dhiibo kooxdiisa balse ma awoodin inuu xataa bar-tilmaameedsado goolka.

Daqiiqadii 69-aad ee kulanka, Maxaa ku helay Mohamed? Garabka Liverpool ee Mohamed Salah ayaa markale ku fashilmay inuu dhaliyo gool furan isaga oo xataa aan u dhawaynin goolka kubadii uu doonayay inuu shabaqa dhex dhigo.

Daqiiqadii 75-aad, Riyad Mahrez ayaa qarka u fuulay inuu hoggaanka u dhiibo kooxdiisa, Xiddiga ree Algeria ayaa kubad hoose ku toosiyay goolka Reds balse goolhaye Alisson Becker ayaa si cajiib ah bad-baadin ugaga jawaabay.

Intaa kaddib labada dhinac ayaa halkooda kasii waday kulankan, Kooxda Pep Guardiola ayaa ahayd mida ugu cad cad maadaama oo ay kubad haysasho cajiib ah soo bandhigeen walow ay ku adkayd inay ka gudbaan daafaca wiilasha Klopp.

Daqiiqadii 85-aad ee kulankan ayay ahayd markii garsoorihii ciyaartu uu qalad ku dhigay Liverpool, Virgil Van Dijk ayaa cadaadis saaray Leroy Sane oo ciyaarta bedel ku yimid taas oo keentay in Mr Martin Atkinson uu gool kulaad tilmaamo.

Gool-Kulaad “Rigoore”: Riyad Mahrez ayaa fursad loo siiyay inuu gool kulaadkan tuuro isla markaana uu noqdo shaqsiga soo af-jara habaarka Citizens ee Anfield balse wuu ku fashilmay isaga oo cirka u diray kubadda isla markaana halkaa ku khasaariyay rajadii ugu weyneyd ee Guardiola.

Ugu dambayn, Kulankan ayaa kusoo dhammaaday mid ay dhibcaha wadaageen kooxaha ugu sarreeyay horyaalka ilaa haatan, Ciyaartan oo u muuqatay mid lakala feejigan yahay ayana kusoo idlaatay 0-0.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here