Mohamed Abdiwali Tooxow,bilaa maxkamad in 96 saacadood ama 4maalin iyo 4habeen xabsi kujiro waxay muujinee in wali wax nidaam dowlo ah kahirgalin Dhuusamareb.

Qolyaha hada gacanta kuhaya Dhusamareb waxay sheegtaan in nidamka dowladnimo ee Galmudug qayb kayihiin kuna biireen haba lakala aragti duwanaadee.

Sida uu dhigayo dastuurka Galmudug qofka eedaysanaha ah xabsiga la iskagama hay karo wax kabadan 24saac iyada oo aan maxkamad xukumin.

Qolyaha uu uxiranyahay tooxow waxaan ugu baaqaa inuu caddaalad helo maxkamad na lasoo taago, iyada oo laxaq dhowrayo arimaha bini aadanimada,karamada iyo sharafta shakhsiga dulmanaha ah ee ay sidii arigii iskaga xirteen.

BASHIIR MAXAMED SALAAD SANKA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here