Ciidamada dowlada ayaa toogasho ku diley labo ruux oo la sheegay inay hubeysnaayeen degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir.Dilka ayaa ka dhacay xaafadda Xoosh ee degmada Dharkeynley iyadoo la sheegay in iskahorimaad hubeysan uu dhex maray ciidamada ammaanka iyo labada ruux ee la diley.
Wararka ayaa sheegaya in raggan la diley ay diideen inay hubka dhigaan sidaasna lagu dilay.

Maamulka degmada Dharkenley asyan weli ka hadlin dilkaas,ayaa hadana waxaa jirtay cabasho ka timid dadka shacab ka ah oo ku aadaneed in rag ku labisan dareeska ciidanka dowladda ay xilliyada habeenkii ay dadka dhacayaan.

Ciidamada xasilinta ayaa habeen ka hor howlgal waxa ay ka sameeyeen Waaxda saddexaad ee degmadaasi Dharlenley,iyaga oo ku soo qabtay 11 Nin iyo hubkii ay wateen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here