Home Ciyaaro Taageere Arsenal Oo Muuqaal Ka Sameeyay

Taageere Arsenal Oo Muuqaal Ka Sameeyay

155
0

Kubadsameeyaha Arsenal Mesut Ozil ayaa muran la’aan ka mid ah xiddigaha ugu baasaska fiican taariikhda horyaalka Premier League.

Xiddiga khadka dhexe ee Jarmalka ayaa Arsenal kaga soo biiray Real Madrid sannadiid 2013 heshiis qiimihiisa uu ahaa 42 milyan ginni, waxaana uu dhawaan qalinka ku duugay qandaraas cusub uu Gunners ku sii joogayo ilaa iyo sannada 2021.

29 jirkaan ayaa dhaliyay goolka seddexaad ee kulankii ay 3-0 kaga badiyeen kooxda Ostersund taasoo inta badan u xaqiijisay u soo bixitaanka wareega 16ka ee Europa League.

Kooxda Arsenal ayaa laga reebay koobka FA Cup bishii Janaayo sidaasi darteed taageerayaahsa Gunners badankood waxa ay heleen waqti badan oo ay waxyaabo kale ku sameeyaan isbuucaan.

Hal taageere ayaa u isticmaalay waqtigiisa inuu ku sameeyo muuqaal uu ku soo uruuriyay 33dii baasas ee ugu fiicnaa ee uu Ozil sameeyay intii uu xirnaa maaliyada Arsenal.

Xiddiga khadka dhex ee ku guuleystay Koobka Adduunka ayaa ka mid ah xiddigaha ugu baasaska fiican horyaalka sida Kevin de Bruyen iyo Cesc Fabregas .

La yaabna ma lahan in taageerayaasha Arsenal ay ahaayeen kuwa aad u faraxsan markii ugu danbeyn uu qandaraaska cusub u saxiixay kooxda.

Tababare Arsene Wenger ayaa laga yaabaa inuu nasasiiyo ciyaartoydiisa muhimka ah lugta labaad ee Ostersund habeenkii Khamiista sababtoo ah Arsenal waxa ay finalka Carabao Cup la ciyaarayaan Manchester City galabta Axada.

Kooxda Pep Guardiola oo la carareysa koobka Premier League ayaa loo arkaa inay ugu cadcad yihiin kulanka finalka ee Wembley ka dhacaya.

Si katsaba, Arsenal ayaa garaacdaty City weliba si fiican kulankii semi-finalka ee koobkii FA Cup ee ay qaadeen xilli ciyaareedkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here