Aaron Ramsey waa cayaaryahan muhiim Arsenal u ah sidoo kalena marka uu garoonka ku jiro kooxdiisa caawiyo.

Aaron Ramsey kulankiisii ugu dambeeyay sedexleey ayuu dhaliyay cayaar Arsenal 5-1 ku xaaqday naadiga Everton.

Balse Ramsey dhaawac dhanka muruqa kasoo gaaray ayaa sababay inuu seego kulankii muhiimka ahaa ee Gunners 1-0 guuldaro Spurs kala kulmeen bilawgii todobaadkan.

Macalin Wenger ayaa sheegay in Aaron Ramsey dhibaato dhanka muruqa uu qabo sidoo kalena kooxdiisa si dhaqsi ah ugu soo laaban doono.

Haatana waxaa la xaqiijiyay in Aaron Ramsey uu seegi doono fiinalaha tartanka League Cup oo ay Arsenal 25-ka bishan Febraayo la cayaareyso naadiga Man City.

Kulankaan garoonka Wembley ka dhacaayo Arsenal muhiim ayuu u yahay madaama ay ku guuleesan karaan koobkooda ugu horeeyo xili cayaareedkan balse Ramsey maqnaan shihiisa waa dhibaato kale oo hor leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here