Arsenal ayaa laga sugayaa inay horumar ka sameyso kulamada ay martida yihiin, iyadoo xilli ciyaareedkan lix jeer lagu garaacay wadada, mana aysan badinin 15kii kulan ee ugu danbeysay ee ay marti u ahaayeen lixda kooxood ee ugu waa weyn horyaalka.

Marka laga soo tago in sharaf loo ciyaarayo, seddexda dhibcood ayaa iyadana muhiimad weyn leh. Haddii Arsenal ay badiso waxa ay dhibic u soo jirsan doontaa Spurs, haddii laga badiyo waxaay todobo dhibcood ka danbeyn doonaan Tottenham, waxaana ay wajahayaan howlgal aan macquul aheyn.

MAXAA KA CUSUB?

Saxiixa cusub ee Tottenham ee 23ka milyan ginni ku fadhiya Lucas Moura ayaa tartan ugu jira inuu ciyaaro kulankiisii ugu horeysay kulanka ay maanta oo Sabti ah la ciyaarayaan kooxda Arsenal.

Toby Alderweireld, Harry Winks iyo Danny Rose ayaa dhamaantood ka soo laabtay dhaawacyo ay muddo dheer ku maqnaayeen, waxaana ay ciyaareen kulankii FA Cup ee ay bartamihii isbuuca ka badiyeen kooxda Newport County.

Goolhayaha Arsenal Petr Cech ayaa shaki uu ku jiraa kulankaan, ka dib markii dhaawac kubka ah loo bedelay intii ay socotay kulankii ay ka badyeen Everton isbuucii la soo dhaafay.

Danny Welbeck ayaa taam noqon kara halka Nacho Monreal uu ka soo kabsaday xumad uu ku maqnaa.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Tottenham (4-2-3-1): Lloris; Trippier, Alderweireld, Vertonghen, Davies; Dier, Dembele; Eriksen, Alli, Son; Kane

Arsenal (4-2-3-1): Ospina; Monreal, Mustafi, Koscielny, Bellerin; Wilshere, Xhaka; Mkhitaryan, Ozil, Ramsey; Aubemayang

Kulanka: Tottenham v Arsenal

Garoonka: Wembley Stadium

Waqtiga: 3:30pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: Anthony Taylor

MA OGTAHAY?

Arsenal ayaa garaacday Spurs markii ugu horeysay todobo kulan oo Premier League ah kulankii Emirates ka dhacay bishii November ee la soo dhaafay.

Waa kulankiisii ugu horeysay ee ay labada kooxood ku ciyaarayaan garoonka Wembley tan iyo bishii April 1993 markaasoo uu Tony Adams gool u dhaliyay Arsenal kulankii ay 1-0 kaga badiyeen semi-finalka FA Cup.

Waxa ay tartamada oo han ku kulmeen 194 kulan, Arsenal ayaa badisay 81 kulan halka Tottenham ay badisay 62 kulan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here