Macallinka kooxda kubadda cagta Arsenal ee Arsene Wenger ayaa si dadban u wareeray xiddigaha reer England ee Harry Kane iyo Dele Alli ka hor kulanka labada kooxood ee Gunners iyo Spurs dhex mari doona.

Tababaraha reer France ee Arsene Wenger ayaa su’aal ka keenay hadalkii ka soo yeeray macallinka Tottenham, Mauricio Pochettino ee ahaa in aad diiradda loo saarayo ciyaaryahannada is tuura.

Isbuucii hore Dele Alli ayaa kaarka Jaalaha ah la siiyey kaddib markii uu xerada ganaax isku tuuray kulankii Liverpool, kulankaas kaddibna Macallin Pochettino waxa uu shaaca ka qaaday in laacibku uusan u qalmin eeddii loo soo jeediyey.

Si kastaba ha haatee, ka hor kulanka labada kooxood ee Arsenal iyo Tottenham dhexmari doona todoobadka soo socda ee North Derby, macallinka Gunners waa uu ka soo horjeestay hadalkii Pochettino, waxaana uu xusay in xiddigaha England ay is tuuridda ku takhasuseen.

Shirkiisa jaraa’id ee maanta ayuu Wenger ku yiri: “Waxaan fahamsanahay in uu u arko in la qiyaano kuwa kaaa soo horjeeda, ma raalin wayey ahayd kaddib is tuuridda? Ma hubo taa.”

“Aniga ahaa, Maya waxaan u baannahay in ciyaarta aan ka saarno istuuridda.”

“Markii hore ajaaniibta ayey ahaan jirtay, laakiin waa qasab inaan sheego ciyaaryahannada England inay si dhaqso ah ku barteen, malahaygana weyba ku takhasuseen hadda.” ayuu Wenger hadalkiisa raaciyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here