Daafaca Juventus Giorgio Chiellini ayaa shaaca ka qaaday in ciyaartoyda qaar looga tagay dhimasho ka dib markii tababar adag uu siiyay macalin Antonio Conte.

Conte ayaa xaalad xun ay ku heysataa Stamford Bridge, iyadoo Chelsea ay fadhido kaalinta afaraad ee Premier League ka dib laba guuldarro xiriir ah oo soo gaartay.

48 jirkaan ayaa seddex xilli ciyaareed ku qaatay Juventus, isagoo ku guuleystay Serie A mid kasta oo ka mid ah sannadihiisii Torin.

Chiellini oo 96-jeer oo caalami ah usaftay Italy ayaa shaaca ka qaaday sida uu ugu adag yahay Conte tababarka.

“Ma ahan kaliya shaqada Conte ciyaarta socta, laakiin maalin walba tababarka ayuu si adag ula shaqeeyaa” ayuu u sheegay Daily Mail.

“Markaad dhameyso tababarka, waad daaleysaa, waxaa lagu moodayaa qof dhintay  ayuu yiri daafaca Juventus.

“Wuxuu abuuraa jawi, qof walbana wuxuu siinayaa isbadal ayuu hadalkiisa ku daray Giorgio Chiellini.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here