Maamulka Chelsea ayaa kulan ka yeelanaya maanta mustaqbalka tababare Antonio Conte iyadoo macalinka reer talyaani uu qarka u saaran yahay in laga ceyriyo shaqada kooxda ka dhisan London kadib guuldarooyinkii is xigay ee Bournemouth iyo Watford.

Diario Sport ayaa fahamsan in tababarahii hore Barcelona Luis Enrique uu hal talaabo u jiro inuu noqdo macalinka xiga ee Blues isagoo badalaya Antonio Conte, waxaana jira isbadalo badan oo ka dhici doona garoonka Stamford Bridge.

Luis Enrique oo 47-jir ah wuxuu horay usoo maamula kooxo ay ka mid yahiin As Roma & Celta Vigo ka hor inta uusan sadex sano ku qarash gareynin Blaugrana oo uu isaga tagay xagaagii laga soo gudbay.

Dhanka kale warbixinta waxaa lagu sheegay in daafacii hore Chelsea & Barcelona Juliano Belletti loo magacaabi doono agaasimaha ciyaaraha ee kooxda, taasoo ka dhigan inuu gali doono booska uu baneeyay Mihcael Emenelo.

Suuragalnimada uu Luis Enrique ku wajahayo kooxdiisii hore Barcelona wareega 16-ka ee UEFA Champions League ayaa sii kordheysa – waxaana loo badinayaa iney talaabada shaqo ka ceyrinta Conte xigi doonto magacaabistiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here