Arsene Wenger ayaa daaha ka qaaday inuu qaadan doono go’aan goordambe ah oo ku saabsan haddii uu Pierre-Emerick Aubameyang ciyaari doono kulanka ay kooxda Arsenal garoonkeeda ku wajaheyso Everton Isbuuc dhammaadkaan.

28 sanno jirkaan ayaa kusoo biiray kooxda ka dhisan FLY Emirates Stadium maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga, isagoo heshiis 55.5 milyan oo ginni ah uga yimid kooxda Jarmalka ka dhisan ee Borussia Dortmund.

Aubameyang ayaa keliya hal kulan u saftay kooxda Dortmund tan iyo bartamihii bishii December sababo la xiriira anshaxa xiddigaan iyo xanuun hargab ah, laakiin lama xiriirin taam ahaanshiyo, sidaas darteed shaki lama gelin karo kulanka Axada ee kooxda Everton.

Jack Wilshere iyo Danny Welbeck ayaase shaki ku jiraa kulankaan, sida uu tababare Wenger daaha ka qaaday – Gunners ayaana ciyaarteedii ugu dambeysay guuldarro kala kulantay kooxda Swansea City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here