Sarkaal hore oo magaciisa lugu sheegay Faarax Caato, ayaa lagu dilay qarax gaarigiisa lugu xirey oo goor dhow ka dhacay aagga hotel Jirde oo ku yaalla xaafadda Israac ee magaalada Gaalkacyo.

Ma jirto faahfaahin intaan ka badan oo qaraxa gaari laga helay, balse saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay inuu sarkaalkaan udhintay dhaawaca soo gaaray.

Kooxda Alshabab ayaa loo maleynayaa inay ka dambeeyaan falkaan, iyadoo la ogsoon yahay inay horey uga dambeeyeen qaraxyo caynkaan oo kale oo lagu dilay saraakiil ciidan, xildhibaano, masuuliyiiin dowladdeed iyo ganacsato.

Alshabab ayaa haatan moodaa inay badeleen farsamooyinkoodii lagu yaqiinay, iyagoo kor u qaaday qarayada lagu xiro gaadiidka shakhsiyaadka ay raadinayaan, taasoo mar walba ufudud maadaama aanu dadku weli ku baraarugsnayn qatarta caynkaan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here