Wararka naga soo gaaraya magaalada Bosaso ayaa sheegaya in dhaawac loo gaystay Wasiir dawlihii Wasaarada Dekedaha Puntland Axmed Siciid Cabdi.

Wasiirka ayaa lagu dhaawacay Waddada Gaaca ee bosaaso waxaa dhaawacay Nin la sheegay inuu muran dhexmaray kaa soo ku saabsan jaamka wadada oo la isku qabtay fur wadada sida ay sheegeen ilo xogogaal ah oo warkaasi aan ka soo xiganay.

Wararka waxay intaas ku darayaan in la garanayo Ninka dhaawacay Wasiir Dawlaha oo la qabtay.
Lama oga qofka dhaawaca u gaystay Wasiir Dawlaha inuu Askari ahaa iyo in kale.

Falalka muranka Wadooyinka la xiriira ayaa maalmahan jiray ,dhawaan Magaalada Garowe muran is fahan waa ah oo ku saabsan ciriiriga jidka ama jaamka wadada ayaa Garowe waxaa ugu dhaawacmay ku dhawaad sadex qof ,iyadoona markii danbe Ciidanka Booliska Garowe ay soo qabteen Ninkii falkaasi ku lug lahaa oo ahaa qof shacab ah kaa soo dhaawacay dadka rayidka ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here