Wararka naga soo gaarayo magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Maamulka Jubbaland ayaa waxay sheegayaan in iminka xaalad kacsanaan ah ay ka taagan tahay Magaaladaas,isla markaana isku socodka dadka iyo Gaadiidka ay qeybo ka mid ah Kismaayo hakad ku jiraan.

Arrintaan ayaa timid kadib markii Ciidamada Jubbaland ay Xabsiga dhigeen Xildhibaan Axmed Taajir oo ka mid ah Xildhibaanada Jubbaland ahaana Xildhibaankii shalay Gudiga Anshaxa Baarlamaanka Jubbaland ay xasaanada kala noqdeen.

Dad goob joogayaal ah ayaa inoo sheegay in Xaafado ka mid ah Kismaayo ay Dabaqyada ku yaalla ay saaran yihiin ciidamo ay iskuheyb yihiin Xildhibaan Axmed Taajir halka ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida Jubbaland wadooyinka Waaweyn ee Kismaayo la dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here