War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in kooxda kubadda cagta Chelsea ay heshiis kala gaartay Arsenal saxiixa Weeraryahankeeda Olivier Giroud, waxaana la sheegayaa inay ku qaadanayso 18 milyan oo gini.

Labada kooxood ee ka wada dhisan horyaalka Premier League ayaa maanta oo dhan lahaa wadahadallo alabaabadu u xiran yihiin oo ku aaddan Olivier Giroud, waxaana hadda la sheegayaa in xiddiga xulka qaranka France la isku raacay inuu ka tago garoonka Emirates oo uu u dhaqaaqo dhanka Stamford Bridge.

Dhinaca kale Chelsea ayaa sidoo kale u ogolaanaysa Weeraryahankeeda Michy Batshuayi inuu amaah ku aado naadiga Borussia Dortmund, halka Pierre-Emerick Aubameyang uu ku sugan yahay London si uu u dhammaystiro ku biiristiisa Arsenal.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la sugayaa in saacadaha soo aaddan la dhammaystiro heshiisyada Olivier Giroud oo ku biiraya Chelsea, Michy Batshuayi inuu amaah ku aado naadiga Borussia Dortmund iyo Pierre-Emerick Aubameyang oo ka mid noqonaya Arsenal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here