Waxaa goor dhow magaallada London soo gaaray weeraryahanka kooxda Borussia Dortmund iyo xulka Gabon, Pierre-Emerick Aubameyang, halkaas oo lagu wado in uu dhameystiro heshiis uu ugu wareegayo kooxda Arsenal isla markaana tijaabada caafimaad u maro.

Waxaa la arkayay Aubameyang oo baabuur Mercedez ah oo madoow lagu wado, laguna sii xareynayo xerada tababarka kooxda Arsenal.

Heshiiska Arsenal kula wareegayso Aubameyang ayaa ku kacaya sida la sheegayo 60 Milyan oo giniga Istarliinka ah, iyadoo warbaahinta Ingiriiskuna ay sheegeyso in weeraryahanka kale ee Arsenal, Oliver Giroud uu ku biirayo dhinaca kooxda Chelsea oo kula wareegi doonta lacag ka badan 18 Milyan oo Gini.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here