Wararka Laga helayo Masuuliyin katirsan laamaha amniga Galmudug ayaa Sheegaya in Gobalka mudug ay kusoo qul qulayaan Malayshiyaad katirsan Al-shabaab kuwaasoo kasoo Baxsanaya Goblada Ay kasocdaan Duqaymaha ay wada jirka ufilnayaan Ciidamda Soomaalida Iyo Kuwa Maraykanka

Sargaal katirsan Hay’adda Nabadusigidda Ee Galmudug ayaa sheegay inay jiraan Kooxo si dhuumalaysi ah kusoo galaya magaalada Galkacyo kuwaaso katirsan al shabaab haa ahaatee waxa uu intaa kudaray inay socdaan da daalo ku aadan sidii looga hortagi lahaa

Malayshiyada Al-shabaab ayaa Gobalka Mudug kagasugan Degmada Xaradheere iyo deegano kale hasa ahaatee Cabsida hada laga sheegayo Galkacyo ayaa ah mid salka kuhaysa Kooxo kasoo baxsanaya Koonfurta Soomaaliya oo muddoyinkaan ay kajireen Duqaymo iyo dagaalo toos ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here