Shabakadda Football Whispers ayaa soo saartay liiska 10ka ciyaaryahan ee heshiiskoodu uu dhammeystirka ku dhow yahay galabta oo Sabti ah 27ka bisha Jannaayo.

Afar cisho ayaa ka harsan xirmashada suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee bisha Jannaayo, Football Whispers oo bahwadaag la ah Sky Sports ayaana soo saartay liiskeedii ugu dambeeyey, iyadoo maalintii seddax jeer soo saarta qiimeyntaan.

Abdul Rahman Baba oo ay milkiyaddiisa leedahay Chelsea ahna daafac dambeedka bidix ah oo u dhashay dalka Ghana ayaa ugu sarreeya qiimeynta maanta, wuxuuna ku dhow yahay inuu ku biiro kooxda Schalke ee dalka Jarmalka.

Aymeric Laporte ayaa heshiiska uu kula biirayo Manchester City waxaa lagu qiimeeyey 4.3 dhibcood iyadoo daafaca dambeedka dhexe ee kooxda Athletic Bilbao uu tijaabada dhiigga u maray Sky Blues.

Eden Dzeko oo lala xiriirinayo Chelsea ayaa sidoo kale qiimeyntaan kasoo muuqday – waxaana xusid mudan in heshiisku marka uu helo shan dhibcood uu dhammeystirmay, sida uu yahay xeerka u yaalla Football Whispers.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here