Wararka laga helayo Degmada Dhuusamareeb ee Gobaka Gal-gaduud ayaa kusoo waramaya in gudaha magaalada jirdil iyo xarig loogu gaysay Xubno ay horkacaysay Gudoomiyaha Gudiga doorashooyinka soomaaliya Xaliima Ismaacil iyo xubnihii lasocday

Gudoomiyaha Gudidga doorashada iyo xubnaha socodka kuwehliya ayaa kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha Guriceel halkaasoo ay kaga soo dhaqaaqday Degmada dhuusamareeb hasa ahaatee wararka ayaa sheegaya in ciidamda kusugnaa kontarolka laga galo magaalada ay dhibteeyeen Xubnihii ay horkacaysay Xaliima yareey

Ilo Ku dhaw dhaw Xubha Gudiga Doorashada ayaa xaqiijiyay in xubnaha Gudiga doorashoodhinya ay horay usoo wargaliyeen maamulka Ahlusuna ee Gobalada dhexe hayeeshee ay kawarheleen soogalitaankoodii ciidamo hubaysan oo ugaystay xarig iyo jirdil

Xariiro kala duwan oo maamulka ahlu suna aan lasamaysay ma aysan suurta galin inaan helno hasa ahaatee waxaa lashegayaa inay socdaan wada hadalo udhaxeeya odayaasha iyo maamulka dhuusamareeb oo ku aadan sidii loo sii dayn lahaa xubnihii kasocday gudiga doorashadooyinka soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here