Labada kooxood ee ku xifaaltama horyaalka England Premier League ee Liverpool iyo Arsenal ayaa lagu wargeliyey qiimaha ay tahay inay bixiyaan si ay gacanta ugu soo dhigaan weeraryahanka kooxda AS Monaco Thomas Lemar.

Xiddiga heerka caalami ee dalka France Thomas Lemar ayaa muddo dheer diiradda u saarnaa labadaan kooxood ee ka ciyaara horyaalka Premier League, Arsenal ayaana ku dhowaatay saxiixiisa xagaagii lasoo dhaafay.

Maamulka Gunners ayaa ku guuldarreystay inay dhammeystiraan saxiixa xiddigaan, wixii intaas ka dambeeyey Liverpool ayaa kusoo biirtay loolanka loogu jiro saxiixa 22 sanno jirkaan.

Sida laga soo xigtay majaladda Daily Mirror, Monaco ayaa haatan labadaan kooxood u sheegtay qiimaha ay ku heli karaan Thomas Lemar waana 90 milyan oo ginni, xitaa qiimaha ayaa intaas ka sarre mari kara, sida ay warbixintaani sheegeyso.

Thomas Lemar ayaa laba gool dhaliyey afar goolna caawiyey 13 kulan oo uu xilli ciyaareedkaan saftay horyaalka Faransiiska ee Ligue 1. Waxaana xusid mudan inuu sagaal gool dhaliyey 10 goolna caawiyey intii lagu jiray xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here