Kooxda Norwich City oo aan iyaduba helin fursado badan ayaa ahayd kooxda heshay laba fursadoo oo ugu halis badnaa qaybtii hore ee kulankan iyada oo  Josh Murphy  uu ku dhawaaqday in uu goolal u dhaliyo kooxda martida loo ahaa ee Norwich laakiin waxa uu lumiyay labada fursadood ee uu helay.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro gool la’aan ah iyada oo la fahansanaa in kooxda Antonio Conte ee Blues ay shaqo adag u baahnayd si ay u jabiso ismari waaga ciyaarta laakiin Norwich ayay wax fiican u ahayd in qaybtii hore lagu kala nastay barbaro gool  la’aan ah.

Mariikii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayuu Conte garoonka kula soo laabtay isla ciyaartoydii uu qaybtii hore ku soo shirtagay laakiin waxay Blues markan bilawday in ay raadiso goolka furitaanka.

DAQIIQADII 56 AAD ayay ugu danbayn Chelsea heshay fursad fiican kadib markii uu Willian isku dayay in uu dhaliyo goolka kooxdiisu sida wayn ugu baahnayd laakiin goolhayaha Norwich ayaa badbaadin fiican sameeyay.

Laakiin markale Norwich City ayaa si adag uga hortimid Chelsea si ay iskaga difaacdo halis kasta oo ay ciyaartoyda Blues ku raadinayeen goolka furitaanka ee waqtiga dheer qaatay.

Chelsea ayaa ugu dhawaatay in ay guul soo gaadhay dhamaadkii ciyaarta kadib markii uu Zappacosta helay fursada uu kooxdiisa guushan ugu horseedi karay laakiin ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay barbaro gool la’aan ah taas oo Chelsea ku qasbaysa in ay kulan ku celis ah Norwich City ku soo dhawayn doonto Stamford Bridge.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here