Kooxda Arsenal ayaa ku dhaw iney lasoo saxiixato daafaca waaya aragga ah ee kooxda West Bromwich Albion Jonny Evans sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya gudaha wadanka Ingiriiska.

Xidigii hore Red Devils wuxuu diirada u saarnaa Gunners intii uu furnaa suuqa kala iibsiga xagaaga soo aadan, balse Baggies wey iska diiday iney aqbasho laba dalab oo ay ka heshay Citizens, Arsenal & Leicester City.

West Brom haatan waxey diyaar u tahay iney iibiso 30-jirkaan, Alan Pardew ayaana u baahan inuu helo lacago si uu saxiixyo kale u sameeyo inta lagu jiro bishaan January.

The Sun ayaa qortay in Gunners ay tahay kooxda ugu cad-cad saxiixa Jonny Evans, waxeyna qarka u saaran tahay iney 25 Malyan oo Pound kula heshiiso West Brom.

Pep Guardiola ayaa doonaya inuu xidigaan kooxdiisa kusoo daro, balse haatan waxey u muuqataa inuu guuldaro kala kulmaayo dhigiisa Arsene Wenger.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here