Liverpool ayaa habeen dambe la ciyaari doonta kooxda Everton kulan ka tirsan wareega 3-aad ee FA Cup, waa kulanka Merseyside Derby – dhawaan ayey isku arkeen horyaalka markaas oo ay Reds guul muhiim ah gaartay.

Si kastaba Jurgen Klopp wuxuu xaqiijiyay in Philippe Coutinho iyo Mohamed Salah aysan kulankaas ciyaari doonin sababo kala duwan ayeyna kulankaan kaga maqnaanayaan sida uu sheegay macalinka reer Jarmal.

Labadaan ciyaartoy waxey seegeen kulankii Burnley ee ay Reds guusha dirqiga ah gaarta, labadana dhawac ayey ku seegeen, walow arinta Coutinho wali lagu muransan yahay isla marakana si hordhac ah warbaahinta Spian ay u sheegeen inuusan mar kale u ciyaari doonin Liverpool.

“Coutinho iyo Salah – suuragal maahan, Virgil sida cad wuu caafimaad qabaa, waan arki doonaa waxa dhaca” ayuu yiri Klopp.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Philipep Coutinho uu ku dhaw yahay ku biirista Barcelona – isla markaana uu shaqo joojin sameeyay.

Dhanka kale Klopp wuxuu xaqiijiyay in Karius uu goolka ka badali doono Mignolet, sidoo kalana ay macquul tahay in Solanke lagu soo bilaabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here