Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa garoonkeeda Anfield waxa ay guul soo laabasho ah kaga gaartay naadiga Leicester City kulan ka tirsan Premier League oo ku dhammaaday 2-1.

Reds oo gurigeeda ku ciyaaraysa ayaa goolka looga naxsaday waxaa 3’daqiiqo bilowgii ciyaarta ugu shubay weeraryahanka Leicester City ee Jamie Vardy, kaddib markii uu baas qurux badan ka helay Riyad Mahrez.

Inkastoo Reds ay isku dayday dhowr fursad oo ay goolkaas ku soo gudi kartay qeybta hore, haddana uma suuro gelin waxaana lagu kala nastay 1-0 ay hoggaanka ku haystay kooxda dawacooyinka lagu naanayso ee Leicester City.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybta labaad ee ciyaarta Liverpool ayaa la timid labo gool, waxaana labada gool ee guusha soo laabashada ah ay ku gaartay u dhaliyey weeraryahankeeda Mohamed Salah 52’daqiiqo iyo 76’daqiiqo, kulanka ayaana waqtigii loogu talo galay ku soo idlaaday 2-1 ay ku badisay kooxda tababare Klopp.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here