Home Ciyaaro Chelsea Oo Guul Raaxo Leh Ka Gaartay Stoke City

Chelsea Oo Guul Raaxo Leh Ka Gaartay Stoke City

210
0

Shan gool oo ay kala dhaliyeen Zappacosta, Danny Drinkwater, Antonio Rudiger, Pedro Rodriguez iyo Willian ayaa guul weyn farta ka saaray Chelsea, waxeyna kooxda ka dhisan galbeedka London si kumeel gaar ah u tiigsatay booska 2-aad ee kala sareynta.

Blues guusha ay gaareen waxey kaga dhigan tahay middii 14-aad iyagoo haatan leh 45-dhibcood isla markaana 2-dhibcood ka sareeya Red Devils oo goor dhaw la ciyaareysa Southampton.

Chelsea Oo Guul Raaxo Leh Ka Gaartay Stoke City, Willian & Pedro Oo Wacdaro Dhigay & Blues Oo Booska 2-aad Si Kumeel Gaar Ah U Timid.

by Abdirashid Mohamud “SHarDinHO” | Saturday, Dec 30, 2017

Shan gool oo ay kala dhaliyeen Zappacosta, Danny Drinkwater, Antonio Rudiger, Pedro Rodriguez iyo Willian ayaa guul weyn farta ka saaray Chelsea, waxeyna kooxda ka dhisan galbeedka London si kumeel gaar ah u tiigsatay booska 2-aad ee kala sareynta.

Blues guusha ay gaareen waxey kaga dhigan tahay middii 14-aad iyagoo haatan leh 45-dhibcood isla markaana 2-dhibcood ka sareeya Red Devils oo goor dhaw la ciyaareysa Southampton.

GOAL: Daqiiqadii 3-aad: Antonio Rudiger ayaa durba bilaabay bandhigga goolasha, Willian ayaa si geesinimo leh geesta uga soo qaaday madaxa ayuuna ku dhameystiray daafaca wadanka Jarmalka.

FURSAD: Daqiiqadii 6-aad: Cesar Azpilicueta ayaa isku dayay inuu goolkisii 7-aad ka caawiyo Alvaro Morata kadib markii uu kubad u dhigay meel la jecleysto, balse xidiga reer Spain ugama hawlgalin sidii loo baahnaa.

GOAL: Daqiiqadii 8-aad: Danny Drinkwater aya hogaanka u dheereeyay Blues kadib markii uu kubad joog sare ah ka toogtay meel ka baxsan xerada ganaaxa goolka Stoke City, wuxuu ahaa goolkii ugu horeeyay ee kooxdiisa cusub kulamada horyaalka.

BADBAADO: Daqiiqadii 14-aad: Alvaro Morata ayaa ku dhawaaday inuu dhaliyo goolkiisii 11-aad ee Blues kulamada horyaalka markii uu kubad ka helay Pedro Rodriguez, balse goolhaye Jack Putland ayaa badbaadiyay.

FURSAD: Daqiiqadii 16-aad: Wimmer ayaa qalad ku galay Morata meel 35-talaabo u jirta goolka. Willian ayaana kubaddaas qatar ku galiyay Stoke City inkastoo uusan shabaqa la helin.

GOAL: Daqiiqadii 24-aad: Pedro Rodriguez ayaa si cajiib ah u dhaliyay goolka sadexaad ee Blues markii uu kubad ka helay Willian, si fiican ayuuna lugta midig ugu dhamestiray.

Qeybta hore ciyaarta waxaa lagu kala maray 3-0, oo ay ku hogaamineyso Blues, mar walbana iyada ayaa gacan sareysay qeybta hore marka laga hadlo bandhigii la muujiyay.

FURSAD: Daqiiqadii 51-ad: Sadio Berahino ayaa u dhawaaday inuu gool ka dhaliyo Blues, isagoon wali gool u dhalin kooxdiisa, balse isku daygiisa waa fashilmay.

FURSAD: Daqiiqadii 56-aad: Pedro ayaa isku dayay inuu dhaliyo goolkii afaraad ee kooxdiisa, balse ma dhicin inuu goolhayaha daba mariyo.

GOAL: Daqiiqadii 74-aad: Willian ayaa lagu abaalmariyay rigore markii isaga dhulka la dhigay, durba isaga ayaa dhaliyay goolkii afaraad ee koxdiisa.

GOAL: Daqiiqadii 89-aad: Zappacosta ayaa dhaliyay gool yimid waqtiyadii ugu dambeeyay, si qurux badan ayuu goolhayaha u daba mariyay isagoo ka toogtay goolka meel ka baxsan xerada ganaaxa.

Natiijada waxey noqotay Blues oo 5-0 ku xasuqday St0ke City, waxeyna guushaan uga dhigan tahay wiilasha Antonio Conte iney soo istaageen booska 2-aad ee horyaalka iyagoo kala baxay Man United oo ciyaareysa daqiiqado kadib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here