Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Manchester United ee Anthony Martial ayaa dib ugu soo laabtay tababarka naadiga maanta.

Anthony Martial waxa uu ka soo muuqday tababarka ay kooxdiisa Man Utd isugu diyaarinayso kulanka Premier League ee Sabtida la leeyihiin naadiga Southampton.

Martial ayaa ka maqnaa kulankii ay kooxdiisa barbaro 2-2 la gashay naadiga Burnley ee Boxing Day, kaddib markii uu dhaawac yar ku soo gaaray kulankii ay sidoo kale barbaraha la galeen Leicester City saddex maalin ka hor kulankaas.

Xiddiga xulka qaranka France ayaa dib ugu soo laabtay tababarka kooxdiisa Man United ay isugu diyaarinayso kulanka ugu dambeeya ee sanadkan 2017.

22-sano jirkaan ayaa hadda ku soo laabtay tababarka kooxdu ugu diyaar garoobayso Southampton, sidoo kalena waxaa tababarka isna ka soo muuqday Matteo Darmian oo isna dhaawac fudud qabay.

Darmian ayaa wajihi kara naadiga Southampton haddii uu Antonio Valencia maqnaanshihiisa sii wato, iyadoo xiddiga reer Ecuador uu soo gaaray dhaawac muruqa ah bilowgii bishaan.

Man United kuwaasoo 15 dhibcood ka dambeeya naadiga hoggaaminaysa horyaalka Premier League ee Man City ayaa waxa ay sidoo kale weyn doontaa kulanka Sabtida Eric Bailly, Michael Carrick iyo Marouane Fellaini.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here