Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaan wax naxariis ah u muujin ninka ay xifiltamaan ee Jose Mourinho oo si lama filaan ah kooxdiisa Manchester United u barbar dhigay kooxaha Arsenal, Chelsea, Manchester City iyo Tottenham isaga oo midba meel gaar ah ka barbar dhigay balse hadalka Mourinho ayaa loo arkay mid ka masayrsan ama ka hinaasay horumarka kooxda Pep Guardiola sida ay saxaafada Ingiriisku ciwaano badan ku qoreen.

Jose Mourinho ayaa ku dooday in lacagtii 300 milyan Pound ahayd ee ay kooxdiisu suuqa la gashay xili suuqyadii la soo dhaafay in ay tahay lacag aan ku filnayn in ay dhisaan koox uu koobab ugu tartami karo wuxuuna sheegay in marka taariikhda Man United la eego ayna la mid ahayn Arsenal oo aan doonayn in ay Premier League ku guulaysto, Tottenham iyo Chelsea oo aan laga doonayn in ay koobka qaadaan iyo Manchester City oo uu sheegay in ay difaacyada ku dhistay lacagtii gool dhaliyaasha lagu soo iibsan jiray.

Hadalka Jose Mourinho ayaa yimid markii uu soo dhamaaday kulankii Old Trafford ee ay kooxda Burnley inta ugu badan ciyaarta 2-0 hogaanka ugu haysay balse uu Lingard laba gool ku badbaadiyay Red Devils si ay barbarihii labaad oo xidhiidh ah u gasho.

Hadda ka hor jawaabta Wenger aan marka hore idin xusuusiyo hadaladii lama filaanka noqday ee uu Mourinho saxaafada ka hor sheegay wuxuuna yidhi: “Qiimaha kooxaha waa wayni wuu ka duwan yahay kooxaha kale, kooxaha taariikhiga ah caadiyan waxaa suuqa loogu ciqaabaa taariikhdan

Mourinho oo kooxaha waa wayn ee Premier League qaarkood tusaale u soo qaadanaya ayaa yidhi: “Tottenham ma aha koox leh taariikhda aanu leenahay. Arsenal ma laha masuulyada ku guulaysiga Premier League, Chelsea ma laha masuuliyada ku guulaysiga koobka”.

Laakiin Mourinho oo loo arkayay in uu soo gaadhay halka uu ujeedada ka lahaa ayaa yidhi: “Manchester City waxay difaacyada buuxa ku dhistay qiimihii gool dhaliyaasha, sidaa daraadeed, marka aad ka hadlayso koox wayn oo kubbada cagta ah, waxaad ka hadlaysaa taariikhda kooxda”.

Laakiin Arsene Wenger ayaa sheegay in muddo 21 sano ah oo uu soo joogay horyaalka Premier League iyo kooxdiisa Arsenal in aanu sida Mourinho oo kale u cabanayn isaga oo waliba ku dooday in kooxdiisa ay ka qanisan yihiin ama ka hanti badan yihiin kooxaha Manchester United, Manchester City iyo Chelsea balse uu la soo tacaalayay xaaladahan.

Wenger oo u jawaabaya Mourinho ayaa yidhi: “Anigu booskan waxaan joogay 21 sannadood, sidaa daraadeed anigu hadda cabasho ma bilaabi karo.Markasta waxaa jiray saddex ama afar kooxood oo aniga iga hanti badnaa, waxaan bartay sida taas loola tacaalo. Anagu waanu la tacaalnay xaaladayada intii aanu awoodi karnay”.

Tabbaare Arsene Wenger oo markiisa magacyada kooxaha ka dhaqaalaha badnaa ee uu la soo tacaalay ka hadlaya ayaa yidhi: “Manchester City, Chelsea iyo Manchester United dhamaantood anaga way naga hanti badan yihiin, waxaa waajib kugu ah in aad raadiso hab aad ku guulaysato”.

Hadalka Jose Mourinho ayaa noqday waxa ugu wayn ee tan iyo xalay markii uu saxaafada ka hor sheegay sida wayn loo hadal hayay iyada oo saxaafada qaar ay u arkeen in uu dhaliil ugu soo jeedinayay maamulka kooxdiisa halka kuwo kale ay ku tilmaameen hadal cabaad iyo masayr ah oo uu ka qaaday Pep Guardiola iyo kooxdiisa Manchester City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here