Xidiga xulka qaranka Brazil iyo kooxda Liverpool ee Roberto Firmino ayaa xili ciyaareedka ku jira qaab ciyaareed aad u fiican wuxuuna kulankii Swansea City naftiisa iyo kooxdiisa u shaqeeyay arimo muhiim ah. Ugu horayn Roberto Firmino ayaa kooxdiisa Liverpool ka caawiyay in ay 5-0 ku garaacay kooxda Swansea City laakiin waxay guushan iyo goolasha uu dhaliyay ka caawisay in uu Reds ka helay 150,000 kun oo guno dheeraad ka ah mushaarkiisa.

Sidii uu sir faafiyaha Football Leaks shaaca ka qaaday, heshiiska uu Roberto Firmino kula jiro kooxda Liverpool ayaa lagu daray qodobo sharaxaya qaabka uu lacago dheeraad ah ugu helayo markaasta oo uu gaadho heer gool dhalineed oo gaar ah.

Goolkii hore ee uu Firmino ka dhaliyay Swansea City waxa uu xidiga ree Brazil ula qiimo ahaa 65,000 kun gini halka goolkii labaad ee uu isla kulankii Swansea City ka dhaliyay ula qiimo ahaa 85,000 kun oo gini laakiin lacagta uu Firmino helay intan oo kaliya kuma koobna wuxuuna sidoo kale soo helay 60,000 kun oo gini.

Sida xogta Football Leaks lagu shaaciyay Firmino ayaa haddii uu dhaliyo 1-5 gool waxa uu Liverpool ka helaa 25,000 kun oo gini halka haddii uu 6-10 gool dhaliyo uu jeebka ku shubto 45,000 kun oo gini laakiin Firmino ayaa hadda dhaliyay 16 gool oo tartamada oo dhan ah taas oo la micno ah in uu goolashii xalay ku helay 85,000 kun oo gini maadaama oo haddii uu dhaliyo 16-20 gool uu lacagtan ka helayo Reds.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here