Chelsea ayaa Stamford Bridge ku garaacday kooxda Brighton oo qaybtii hore ee kulankan iska caabin wayn muujisay laakiin xidigaha ree Spain ee uu Antonio Conte sida wayn ugu tiirsan yahay ayaa kulankan si wayn iskugu muujiyay iyada oo afar xidig oo Spanish ahi ay ku lug lahaayeen labada gool ee ay Chelsea guusha ku gaadhay.

Alvaro Morata ayaa goolasha Chelsea daah furay isla markii laga soo laabtay qaybtii hore ee ciyaarta wuxuuna caawin ka helay Cesar Azpilicuata laakiin Marcos Alonso ayaa raacsaday goolka labaad wuxuuna markiisa caawin ka helay Cesc Fabregas.

Chelsea ayaa hal dhibic u soo jirsatay Manchester United oo kaalinta labaad ku jirta balse ilbidhiqsiyadii ugu danbeeyay ee kulankii Old Trafford guuldaro kaga badbaaday iyada oo Lingard uu noqday geesiga Red Devils ka badaadiyay guuldaro isla markaana ay Chelsea isku dhibco noqon lahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here