Sida wararku ay sheegayaan Nicolas Otamendi ayaa ogolaaday inuu heshiis cusub oo labo sanadood ah u saxiixo kooxdiisa Manchester City, kaasoo garoonka Etihad ku sii hayn doona ugu yaraan illaa sanadka 2022-ka.

29-sano jirkaan ayaa ka mid noqday xiddigaha furaha u ah kooxda hoggaanka u haysa Premier League, iyadoo kala barta la ciyaaray aan weli laga adkaan naadiga waxaana ay guul gaartay 18 ka mid ah 19 kulan oo ay ciyaartay.

Sida uu warinayo Warsidaha Goal.com Macallinka kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa go’aansaday inuu difaacan ku abaal-marinto labo sanadood oo heshiis kordhin ah, iyadoo heshiiska xiddigan uu haatan kooxda kula jiro uu dhacayo sanadka 2020.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in hoggaamiyeyaasha horyaalka Ingiriiska ay doonayaan inay heshiisyo cusub ku abaal-mariyaan xiddigahooda ugu sarreeya oo ay ku jiraan Kevin De Bruyne, Gabriel Jesus iyo Fernandinho, waxaana ay rabaan inay kooxda ku sii haystaan maadaama ay indhaha ku hayaan ku guuleysiga horyaalka Premier League.

Otamendi ayaa afar gool u dhaliyay kooxdiisa kulamada horyaalka, sidoo kale mid ka mid ah goolashooda Champions League ayuu dhaliyey illaa iyo haatan xilli ciyaareedkan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here