Magaalada Garowe ee caasumada Dawlada Puntland ayaa maanta xukun lagu ridday 6 Kamid ah dhalinyaro xiliga Habeenkii ah shacabka u gali jiray wadooyinka oo ka furan jiray Mobiledda Dilkana u gaystayn jiray.

Raggan xukunka lagu riday ayaa qaar kamid ah ay ahayeen ragii dilka u gaystay Sundus Cabdiraxmaan Maxamed oo dhalinyaradan qaar kamid ah ay la dhaceen Tooray isla markaana ay Dhawacyo culus u gaysteen.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud,ee Maxkamada Darjada Koowaad ee gobolka Nugaal Mudane Maxamed Xareed Cali, ayaa sheegay dhalinyaradaan la xukumay inay ahaayeen dhamaantood Arday maalintiina Waxbarta habeenkiina caadaystay inay dadka jidadka u galaan oo ay furtaan Mobiladda.

Magacyada dhalinyarada la xukumay
1:- Saacid Cabqaadir Xasan, Ina Xiddo Xasan, lagu xukumay 2 sanno.

2:- Cabdinajiib Maxamed Cabdiraxmaan, Ina Seynab Cabdiraxmaan, lagu xukumay 2 sanno.

3:- Maxamuud Cabdiqaadir Xuseen, Ina Shariifo Xasan, lagu xukumay labo sanno.

4:-Cabdifitaax Salaad Maxamed , Ina Aamino Warsame, lagu xukumay labo sanno.

5:-Shaakir Cabdi Noor Maxamed, Ina Raxmo Warsame, lagu xukumay labo sanno.

6:-Jaamac Cabdi Jaamac, Ina Maandeeq Maxamuud, lagu xukumay labo sanno.

Booliiska Garowe, ayaa sidoo kale waxay gacanta ku haya dhalinyaro badan oo ku eedaysan Kiisaska la xiriira Kufsiga Furashada Mobiledda iyo Tahriib kuwaas oo dhamaan maxkamad sugayaal ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here