Madaxweynaha dawlada Puntland Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta booqasho gaaban ku tagay Dhismaha isbitalka guud ee gobolka Mudug kaas oo wajigiisii koowaad dhismaha cusub lasoo gaba gabaynayo.

Madaxweyne Gaas ayaa warbixin ka dhagayso Gudiga Gacanta ku haya dhismaha Isibtalka wuxuuna sidoo kale sheegay madaxweynuhu in dhawaan lasoo magacaabi doono gudi cusub oo sii wadda shaqada isbitalka maadama uu geeriyooday gudoomiyihii gudiga dib u dhiska isbitalka guud ee gobolka Mudug.

Madaxweyne C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale wuuxuu booqasho ku tagay 140 Guri oo dhawaan Hay,ado ay ka hirgaliyeen suuqa Dayax ee magaalada Gaalkacyo kuwaas oo loogu talagalay Ganacsiga guud ee gobolka Mudug.

Warbixin uu ka dhagaystay gudiga gacanta ku haya suuqaas ayey u sheegeen inay labo guri oo kamid ah guryaha suuqa lagu wareejiyey Dad dayn u yeeshay guryahaas.

Madaxweynaha ayaa gaba gabadii wuuxu ku baaqay inay sida ugu dhaqsaha badan loosoo gaba gabeeyo dhismaha Guryahan cusub ee suuqa Dayax ee magaalada Gaalkacyo kuwaas oo loogu talagay Bakhaaro Cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here