Sannadka soo aadan 2018 ayaa noqon doona mid ka mid ah sannadihii ugu muhiimsanaa taariikhda kooxda Arsenal oo haatan 131 sanno jir ah.

Wargeyska Daily Express Sport ee dalka Ingiriiska ayaana soo bandhigay 10 sababood oo ku qasbeysa tababare Arsene Wenger inuu waqti xaadirkaan ka huleelo Arsenal.

Express Sport ayaana 10kaan sababood u cuskatay kuwo caddeyn u ah inuu xilli ciyaareedkaan 2017 illaa 2018 noqon karo midkii ugu dambeeyey ee uu Wenger maamulo Gunners.

#1 — MAAMULKA ARSENAL IYO TABABARE ARSENE WENGER WAXAY NOQDEEN KUWO DIB U DHAC SAMEEYA

Arsenal ma joogto booskii ay taagneyd bartamihii 2000, waxayna haatan u muuqataa koox aad uga dambeysa kooxaha ay sida tooska ah u xifaaltamaan. Uguuristoodii FLY Emirates Stadium iyo awoodda dhaqaale ee kooxaha Chelsea, Manchester United iyo Manchester City ayaa ka dhigtay Arsenal koox guuldarrada la saaxiib ah.

Waana sabab keeni karta inay tirsamaan maalmaha Arsene Wenger oo 21kii sanno ee lasoo dhaafay maamulayey Arsenal. Inkastoo ay Arsenal ciyaarto kubad soo jiidasho leh, hadana taasi kuma hogaamineyso guulaha looga baahan yahay.

#2 — CIYAARTOYDA ARSENAL MARWALBA QALADKII LOOGA BARTAY AYEY KU CELIYAAN

Si walba oo loogu kalsooni qabo tababare Wenger, hadana cabashadiisu ma dhammaato, halka ciyaartoydiisu aysan dhaafin inay ku celiyaan qaladkii looga bartay. Si walba oo uu tababare Wenger ciyaartoydiisa u difaaco kalsooni kama qaadaan, sidaas darteed ugu yaraan waxaa loo baahan yahay waji cusub.

#3 — CIYAARTOYDA ARSENAL HORUMAR MA SAMEYNAYAAN

Wenger waxaa bilowgii xirfaddiisa looga bartay inuu falsafaddiisa ciyaartooy tayo leh kusoo saaro, tusaale wanaagsan waxaa kuugu filan Thierry Henry, Freddie Ljungberg, Robin van Persie iyo ciyaartooy kale oo uu Wenger ka dhigay kuwo heer caalami ah.

Laakiin haddiiba sannadihii ugu dambeeyey ciyaartoyda uu Wenger horumarka gaarsiiyey ay yihiin Nacho Monreal, Laurent Koscielny iyo Olivier Giroud markaas hoos ayey usii dhaceysaa awooddiisu. Halka horumarkii Hector Bellerin iyo Alex Iwobi uu dhex ku hakaday. Alex Oxlade-Chamberlain, Gabriel iyo Wojciech Szczesny ayaana ka mid ah ciyaartoyda uu ku fashilmay Wenger inuu tayadooda ugu wacan soo saaro.

#4 ABAARTA KA HEYSATA KOOBKA HORYAALKA ENGLAND PREMIER LEAGUE

Iyadoo aan laga adkaan xilli ciyaareedka oo dhan, Arsenal ayaa sannadkii 2004tii ku guuleysatay koobka horyaalka EPL, balse 14 sanno oo intaas ka dambeeyey abaar ayaa ka qabsatay. Hadda 21 dhibcood ayey ka dambeeyaan hogaamiyeyaasha horyaalka ee Man City.

Haddii uu Wenger sii maamulo Arsenal, xitaa 10 sanno oo haatan ka dambeysa, rajo badan lagama qabo inuu horyaal kale ku hogaamin karo Gunners.

#5 BIXITAANKA ALEXIS SANCHEZ IYO MESUT OZIL

Dhammaadka xilli ciyaareedkaan, Arsenal ayaa lumin karta laba xiddig oo tayo leh waana Alexis Sanchez iyo Mesut Ozil, taasi waxay qeexaysaa in uusan qolka lebiska Arsenal ku faraxsaneyn hannaanka guulaha kooxda Gunners.

Sidaas darteed waxaa la filan karaa inay soo baxaan xiddigo kale oo waa weyn oo kooxda ka huleela sannadaha soo aadan.

#6 MARNAANTA FLY EMIRATES STADIUM

Sannadihii ugu dambeeyey taageereyaasha Arsenal ayaa ku kacsanaa tababare Arsene Wenger, waxayna xowli u wadeen ololaha #WengerOut, maamulka Arsenal ayaase dalabkooda dhegeysan waayey, taasoo keentay inay garoonka soo xaadiri waayaan.

Ciyaartii BATE Borisov, waxaa ay kooxdu sheegtay inay iibisay 57 kun oo tikidh, balse keliya 30 kun oo taageereyaal ah ayaa soo xaadiray. Ogoowna 2009kii, garoonka Arsenal xitaa wuu buuxi jiray ciyaaraha League Cup-ka.

#7 FASHILKA SUUQA KALA IIBSIGA

Wenger wuu ka cagojiidi jiray inuu lacag badan qarash gareeyo, wuxuuna aaminaad u muujin jiray ciyaartoydiisa. Balse marka uu suuqa galo wuxuu noqday mid fashilmay sannadihii ugu dambeeyey, tusaale waxaa kuugu filan saxiixyada Yaya Sanogo, Mathieu Debuchy, Gabriel, Mohamed Elneny iyo Lucas Pérez.

Sannadkii 2015kii, Wenger lama uusan saxiixan ciyaaryahan aan goolhaye aheyn, wixii intaas ka dambeeyey wuxuu kooxda keenay Granit Xhaka, Shkodran Mustafi iyo xagaagaan oo uu soo iibsaday Alexandre Lacazette iyo Sead Kolasinac kuwaasoo saxiixyo dhexdhexaad ah lagu tilmaamay.

#8 XITAA UEFA CHAMPIONS LEAGUE AYEY USOO BIXI WAAYEEN

Dib u dhaca Arsenal waa mid muuqda, iyadoo kooxaha Tottenham iyo Liverpool ay awood ahaan ka sarre mareen dagaalka afarta kaalin ee sarre ee EPL.

Ka dib sannado xiriir ah oo ay usoo baxaysay tartanka UEFA Champions League, Arsenal ayaa xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay ku fashilantay usoo bixitaanka UCL. Haddii ay taas ku celiso sannadkii labaad, hubanti waxaa ah in isbedel loo baahan yahay.

#9 GUUBAABO CUSUB AYAA LOO BAAHAN YAHAY

Wenger ayaa 21 sanno joogay hal koox oo ah Arsenal, sidaas darteed waa ay ku fiicnaan laheyd ciyaartoyda kooxda inuu uga horwareego hogaamiye cusub.

Ciyaartoyda qaar Arsenal ayaa qalad sameeya iyagoo ka warqaba inuu difaaci doono tababaraha Faransiiska ah. Sidaas darteed waxaa loo baahan yahay tababare cid walba dusha ka saara eedda qaladkiisa.

Wenger lama barbardhigi karno Sir Alex Ferguson oo waqti dheer ku qaatay Manchester United, maxaa yeelay SAF wax walba isaga ayaa koontaroolayey xukunkiisuna waa uu ka awood badnaa kan Wenger.

#10 TAARIIKHDIISA OO U BAAHAN IN LA DHOWRO

Muran la’aan iyadoo aan loo eegeyn wax walba oo dhacay, Wenger wuxuu u qalmaa ixtiraam maadaama uu shaqo adag ka qabtay Arsenal. Balse haatan taageereyaasha ayaa ka horyimid, sidaas darteed waxaa ku habboonaan laheyd maamulka Arsenal inay dhowraan taariikhda Wenger.

Ugu yaraan ay ka qaadaan xilka tababarenimo, iyadoo jago sarre oo dhanka agaasinka kooxda ah la siinayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here