Waxaa la shaaciyey kooxda ugu fiican illaa iyo haatan horyaalka Premier League, iyadoo horyaalka la ciyaaray kala bar ama 19 kulan.

Shabakadda ciyaaraha Goal.com ayaa soo saartay shaxda ay ka sameysay 11 ciyaaryahan ee ugu bandhigga fiicanaa illaa iyo hadda horyaalka.

Manchester City oo ku sii siqeysaa hanashada horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan 2017-18 ayaa  xiddigaha ugu badan ku leh Shaxda 11-ka ciyaaryahan ee ugu bandhigga fiicnaa illaa iyo hadda horyaalka Premier league.

Tababare Pep Guardiola kooxda uu hoggaamiyo ayaa hadda 13 dhibcood oo saafi ah ka sarreysay Manchester United oo ku jirta kaalinta labaad ee horyaalka, iyadoo weli aan laga adkaan 19 kulan oo ay ciyaartay horyaalka kulan qura ayeyba barbaro gashay.

Kooxda Muwaadiniinta lagu naanayso oo goolal tiro dhaafay ka dhalinaysa horyaalka ayaa Shaxda kooxda ugu fiican illaa iyo hadda horyaalka Premier League, waxa ay ku yeelatay 8 ciyaaryahan.

Shaxdan waxa lagu qadiyey kooxda reer London ee Chelsea, Arsenal iyo Tottenham kuwaasoo aan hal xiddig xitaa ku lahayn, Man United iyo Liverpool ayaana min hal ciyaaryahan ku yeeshay shaxdan, waana De Gea iyo Salah.

1David De Gea | Manchester United

#2Kyle Walker | Manchester City

#3Nicolas Otamendi | Manchester City

#4James Tarkowski | Burnley

#5Fabian Delph | Manchester City

#6David Silva | Manchester City

#7Fernandinho | Manchester City

#8Kevin De Bruyne | Manchester City

#9Raheem Sterling | Manchester City

#10Mohamed Salah | Liverpool

#11Leroy Sane | Manchester City

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here