Neymar JR ayaa heshiis shaqsi ah la meeldhigay kooxda kubadda cagta ee Real Madrid isagoo haatan dib ugu soo laaban doona horyaalka La Liga, sida ay sheegeyso warbixin lama filaan ah oo kasoo baxday dalka Spain.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil ayaa ka tegay Barcelona kuna biiray kooxda Paris Saint-Germain ee dalka France xagaagii lasoo dhaafay markaasoo lagu iibsaday 198 milyan oo ginni, laakiin durba heshiis kale oo qaali ah ayuu uga tegi doonaa PSG.

Neymar ayaa sheegay in uusan ku faraxsaneyn kooxda ka dhisan garoonka Parc des Princes, aabihiis oo ah wakiilkiisa ayaana wadahadallo kula jiray madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez.

Sida laga soo xigtay shabakadda Diario Gol ee afka Isbaanishka lagu akhristo, Neymar JR ayaa haatan heshiis shaqsi ah la meel dhigay kooxda Real Madrid, wuxuuna ku biiri doonaa xilli ciyaareedka 2019 illaa 2020.

Neymar JR ayaa si shaqsi ah u doonaya inuu laba sanno oo kale sii joogo caasimadda Faransiiska, si uu halkaan magac ugu sameeyo, wuxuuna isha ku hayaa inuu koobka UEFA Champions League iyo abaalmarinta Ballon d’Or u qaado PSG ka hor inta uusan raadsan tartan cusub.

Si kastaba ha ahaatee, warbixintaan ayaa sheegeysa in madaxweynaha Real Madrid Perez uu gadaal ka riixayo qorshe uu ku doonayo inuu heshiiskaani meelmaro xagaaga soo aadan, wuxuuna diyaar u yahay inuu PSG u celiyo 222 milyan oo euros oo ay xiddigaan kaga soo iibsatay Barcelona.

Xitaa Perez ayaa ka ballan qaaday Neymar inuu ka dhigi doono ciyaaryahanka ugu mushaarka badan kubadda cagta haddii uu yimaado Los Blancos. Xiddiga reer Brazil oo markii uu joogay Barcelona ahaa hooska Lionel Messi ayaana haatan doonaya inuu ku biiro Real Madrid oo uu halkaas hogaamiye ka noqdo.

Haddii uu 25 sanno jirkaani kusoo biiro Real Madrid 2020ka, markaas Cristiano Ronaldo ayaa ka tegi doona caasimadda Spain, sida ay qoreyso shabakadda Diario Gol.

Ka dib guuldarradii El Clasico, Real Madrid ayaa haatan 14 dhibcood ka dambeysa hogaamiyeyaasha horyaalka La Liga ee Barcelona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here