Arsenal ayaa khabar wanaagsan ka heleysa isku daygeedii ay ku dooneysay inay kula soo wareegto laacibka garabka uga ciyaara kooxda Bayer Leverkusen ee Leon Bailey.

Arsenal ayaa si wanaagsan ula socotay horumarka 20 sanno jirkaan reer Jamaica oo haatan wacdaro ka dhigaya horyaalka Germany ee Bundusliga, balse sidoo kale xiddiga garabka ka ciyaara waxaa doonaya kooxaha Chelsea iyo Manchester United.

Leon Bailey ayaa sideed gool dhaliyey xilli ciyaareedkaan isagoo ciyaaray 16 kulan. Isbuucii lasoo dhaafay laba gool ayuu ka dhaliyey ciyaar 4-4 ku dhammaatay oo ay la yeesheen Hannover, halkaasoo ay ku daawanayeen maamulka Arsenal.

Sidoo kale Arbacadii wacdaro ayuu dhigay kulankii ay kooxdiisu wajahday Borussia Moenchengladbach isagoo dhaliyey goolkii guusha ee ciyaartii tartanka German Cup.

Tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaa taageere weyn u ah Bailey, halka Jose Mourinho uu isha ku hayo inuu wiilkaan dhallinyarada ah keeno Old Trafford.

Balse sida laga soo xigtay majaladda Sunday Mirror, Arsene Wenger ayaa haatan hogaanka u haya loolanka saxiixiisa, isagoo doonaya inuu Arsenal keeno bisha Jannaayo.

Maadaama ay u badan tahay inay Arsenal ka tagaan Alexis Sanchez, Mesut Ozil, Jack Wilshere, Theo Walcott iyo Olivier Giroud bisha soo aadan – Arsenal waxay raadineysaa Leon Bailey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here