Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa weerar ku qaaday xiddigii hore ee Gunners Alex Oxlade-Chamberlain kaasoo uu sheegay inuu diiday inuu u dagaalamo booskiisa Arsenal.

Alex Oxlade-Chamberlain ayaa caawa oo Jimco ah kusoo laaban doona FLY Emirates Stadium isagoo markii ugu horreysay wajahaya Arsenal tan iyo markii ay 35 milyan oo ginni uga iibisay kooxda Liverpool bishii August ee sannadkaan.

Xiddiga reer England ayaa wuxuu kaga tegay Arsenal sabab la xiriirta boos la’aan ka dib markii uu boos joogto ah ka waayey safka koowaad ee qorsheyaasha tababare Wenger, balse tababaraha Faransiiska ah ayaa haatan ku eedeeyey in uusan dagaalamin.

“Sidee ayaad ku noqoneysaa ciyaaryahan weyn haddii aadan u dagaalamin booskaaga?” Wenger ayaa isweydiiyey su’aashaas.

“Ma noqon kartid ciyaaryahan weyn haddii aadan u dagaalamin booskaaga, haddii aad fariisato keydka ka dibna aad dhahdo ma doonayo inaan dagaalamo, taasi waxay ka dhigan tahay in aadan noqon karin ciyaaryahan weyn. Maxaa yeelay waxaan aaminsanahay in ciyaaryahan walba oo weyn uu u dagaalamo booskiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here