Wararka laga helayo Gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Puntland Saacadihii la soo dhaafay la geeyay Buuraleyda Gobolkaasi oo ay ku xoogan yihiin Al Shabaab.

Arrintan ayaa timid, kadib markii dagaalyahannada Al Shabaab ay sii labo jibaareen weerarada ay ka geystaan deegaanada Maamulkaasi Puntland.

Saraakiisha Ammaanka ayaa sheegay in Ciidamadaasi ay qaadi doonaan howlgallo ka dhan ah Al Shabaab, si looga saaro Buuraha Galgala ee Gobolka Bari.

Shalay ayey ahayd markii Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland qarax Miino lagula eegtay duleedka Boosaaso, kaas oo lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa Ciidanka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here