Barcelona ayaa sii wadata ololeheeda ay ku qalqal gelineyso mustaqbalka Philippe Coutinho ee kooxda Liverpool, ka dib markii xiddiga qadka dhexe ee reer Brazil Paulinho uu noqday laacibkii ugu dambeeyey ee Barcelona ah kaasoo xiddiga Liverpool ugu baaqay inuu kusoo biiro kooxda ka dhisan Nou Camp Stadium.

Barcelona ayaa damacsan inay sameyso wax walba oo karaankeeda ah si ay Liverpool ugu qanciso inay ka iibiso kubadsameeyahaan marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Yurub bisha soo aadan.

Barcelona ayaa xagaagii lasoo dhaafay ku guuldarreysatay soo xerogelinta Coutinho, balse waxay haatan ku dhow dahay inay lasoo wareegto bisha Jannaayo.

Catalans ayaana bilowday olole ciyaartoydeeda iyo maamulkeeda sarre ay kula hadlayaan saxaafadda si xiddiga Liverpool loogu baaqo kusoo biirista Barcelona, inkastoo uu qandaraas kula jiro kooxda ka dhisan Anfield Road.

Laakiin Barcelona ayaa Isbuucaan waji gabax kala kulantay kooxda Atletico Madrid, ka dib markii ay daaha ka qaaday inay ku dacweyn doonto FIFA iyo UEFA maadaama ay Barcelona isku dayday inay qaab sharci darro ah u shukaansato Antoine Griezmann iyadoo aan fasax ka heysan Atletico Madrid.

Luiz Suarez oo horay ugu soo ciyaaray Liverpool ayaa Coutinho u caddeeyey in lagu soo dhoweyn doono Nou Camp. Halka madaxweynaha Barcelona Josep Maria Bartomeu uu caddeeyey in la diyaariyey lacagtii ay kula soo wareegi lahaayeen xiddigii hore ee Inter Milan.

Paulinho ayaana haatan u sheegay 25 sanno jirkaan inuu yahay ciyaaryahan heer sarre ah oo u qalma inuu yimaado Barcelona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here