Kubadsameeyaha kooxda Liverpool Philippe Coutinho ayaa qandaraas la meeldhigay kooxda Barcelona ka hor inta sida la filayo uusan ku biirin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee bisha January, warbaahinta Spain ayaa sidaas sheegaysa.

Barcelona waxaa ka go’an inay gacanta kusoo dhigto Coutinho, waxayna dooneysaa inay kula soo wareegto 135 milyan oo ginni.

Liverpool ayaa seddax jeer xagaagii lasoo dhaafay iska diiday dalabyo uga yimid Barcelona oo ay ku dooneysay xiddiga reer Brazil. Laakiin wadahadalladii dhexmaray labada kooxood wixii intaas ka dambeeyey horumar ayaa laga sameeyey.

Sida laga soo xigtay shabakadda Diaro Sport ee gobolka Catalonia, maamulka Barcelona iyo Coutinho ayaa ka doodayey mushaarka xiddigaani uu qaadan doono marka uu yimaado Camp Nou Stadium hadana waa laga heshiiyey. Xiddiga reer Brazil ayaana qandaraas illaa 2023ka ah la meeldhigay Barca wuxuuna sannadkii qaadan doonaa 10.6 milyan oo ginni.

Isbuucii waxaa mushaar ahaan loo siin doonaa ku dhowaad 200 kun oo ginni marka uu Barcelona ku biiro, sida ay warbixintaani sheegeyso.

Shabakadda Diaro Sport ayaana intaas ku dareysa inuu kubadsameeyaha kooxda Liverpool Philippe Coutinho maalmaha soo aadan ku biiri doono Barcelona, oo labada kooxood ay heshiis ka gaari doonaan arrinkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here