Maxkamadeynta C/raxmaan C/shakuur oo maanta mar kale lagu waday iney ka dhacdo Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa dib loo dhigay.

Qareenka Siyaasi C/raxmaan C/shakuur Avv. Tahliil Xaaji ayaa sheegay in goordhow Maxkamada Gobolka Banaadir ku war gelisay in dhageysiga dacwadda loo heysto C/raxmaan C/shakuur ay maanta baaqatay,islamarkaana dib loo dhigay maalinta berito ah.

Wararka ayaa sheegaya in sababaha dib ugu dhacday ay tahay in warqadii amarka Maxkamadda ee lagu faray in muddo 24 saac lagu keeno caddeymo in loo geeyay Xeer Ilaalinta saaka 8-dii subaxnimo, sidaas darteed ay muddada waqtiga loo geeyay ay ka bilaabaneyso 24-ka saac, kuna egtahay maalinta berri 8-da subaxnimo

Kulamo siyaasadeed ayaa saacadihii la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho, kaasoo looga hadlayay arrinta xarigga, sidoo kale waxaa la sheegay in qaar ka mid ah Madaxweynayaasha maamul goboleedyada, sida Galmudug iyo Hirshabeelle ay ku booqdeen C/raxmaan C/shakuur Xabsiga.

Waxaa jira siyaasiyiin caan ah iyo Mas’uuliyiin Dowadda ka tirsan oo waan waan ka dhex wada madaxda ugu sareysa Dowladda iyo C/raxmaan C/shakuur si loo xaliyo xiisada meesha ka taagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here