Xiddiga kooxda kubadda cagta Manchester United iyo macallinkooda Jose Mourinho ayaa u duulay Bristol ka hor kulankooda caawa ee League Cup.

Waxaa la shaaciyey liiska xiddigaha Man Utd ee uu macallinka reer Portugal uu u xusay kulanka caawa, waxaana ka soo muuqday Henrikh Mkhitaryan oo muddo aan u ciyaarin Man United iyo Paul Pogba oo soo dhammaystay ganaaxii saddexda kulan ahaa ee uu kaga maqnaa kooxda.

Manchester United ayaa caawa la ciyaareysa Bristol City kulan ka tirsan siddeed dhammaadka League Cup, haddii ay adkaatana waxa ay u gudbi doontaa afar dhammaadka tartanka.

Sergio Romero, Joel Pereira, Kieran O’Hara; Matteo Darmian, Victor Lindelof, Chris Smalling, Marcos Rojo, Axel Tuanzebe, Daley Blind, Luke Shaw, Scott McTominay, Paul Pogba, Ander Herrera, Jesse Lingard, Henrikh Mkhitaryan, Juan Mata, Marcus Rashford, Anthony Martial, Romelu Lukaku, Zlatan Ibrahimovic.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here