Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa maanta lagu dilay labo askari oo ka tirsan ciidamada dawlada Hoose ee degmada Booaaso.

Askartan la dilay ayaa lagu gaaday dilka xili ay shaqo ku jireen oo ururinayeen canshuur ilaa hadna ma cadda cida gaystay Dilka Askartaasi.

Ciidamada Booliska ee degmada Boosaaso ayaa soo gaaray Goobtii uu ka dhacay dilka labada Askari iyadoo xiligaasi ay ahayd meel mashquul badan suuqa lagu dhexdilayey Askarta.

Hawlgalo ay ciidamadu ka sameeyeen magaalada Boosaaso ayeysan jirin ilaa hada cid ay u soo qabteen waxaana sidoo kale soconaya hawlgalo laga samaynayo guud ahaan magaalada Boosaaso.

Arintan ayaa kusoo aadaysa xili dhawaan sidan oo kale Qarax loo dhigay ciidamo ka tirsan kuwa madaxtooyada Boosaso kuwaas oo marayey suuqa weyn ee magaalada Boosaaso oo xiligaas Mashquul badnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here