Xiddiga kooxda PSG Neymar JR ayaaa lagu soo waramayaa inuu u sheegay hogaamiyaha kooxda Barcelona Lionel Messi inay kooxdiisa Faransiiska ah soo afjari doonta xukunka Real Madrid ee tartanka UEFA Champions League.

PSG iyo Real Madrid ayaa bisha February ee sannadka soo aadan ku kulmi doona wareegga 16ka ee tartanka UEFA Champions League, xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil Neymar JR ayaana wajahaya kooxda dooneysa inay la wareegto dhammaadka fasal ciyaareedkaan.

Neymar ayaa wuxuu xagaagii lasoo dhaafay PSG uga soo biiray kooxda Barcelona markaasoo lagu soo qaatay adduun lacageed dhan 200 milyan oo ginni. Laakiin Los Blancos ayaa dooneysa inay kusoo celiso horyaalka La Liga si ay ugu bedesho Cristiano Ronaldo.

Si kastaba ha ahaatee, shabakadda Don Balon ee dalka Spain ayaa sheegeysa inay Neymar JR ka go’an tahay inuu ka caawiyo kooxdiisa PSG guul ay ka gaarto Real Madrid wareegga 16ka tartanka UCL, taasoo soo afjari doonta xukunka Los Blancos ee Koobka Kooxaha Horyaallada Yurub oo ay si xiriir ah ugu guuleysatay labadii sanno ee ugu dambeysay.

Shabakadda Don Balon ayaana intaas ku dareysa inuu Neymar u sheegay inta badan ciyaartoyda kooxdiisii hore ee Barcelona inuu sameyn doono wax walba oo karaankiisa ah si uu wiilasha tababare Zinedine Zidane uga reebo koobka UCL.

Warbixintaan ayaana sheegeysa inuu Neymar hadalkaan qadka taleefoonka ugu sheegay Lionel Messi iyo Luis Suarez.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here