Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf Taliyaha Ciidamada xooga Dalka Soomaaliya jenaraal Cabdi Weli Jaamac Gorod Iyo Saraakiisha Ciidamda Galmudug Iyo Puntland ayaa ku Guuleystay inay furaan wadooyin horay ugu xirmay dagaaladii ka dhacay Gaalkacyo.

Madaxweyne Axmed Ducaale geelle xaaf Oo Horkacayay Masuuliyiintii dhaxda uxiratay furitaanka wadada oomuddo kabadan laba sano xirnayd ayaa sheegay in aan loo dul qaadan doonin isku day dambe oo lagu xirayo wadooyinka muhiimka u’ah maritaanka shacabka Gobalka mudug isla markaana si wada jir ah looga hortagi doono cid kasta oo wax yeelayn amni isku dayda

Taliyaha Ciidanka Somaliya C/wali jamac gorad ayaa sheegay in qaybaha ciidamda ee dowladda somaliya ee gobalka mudug kusugan ay udiyarsan yihiin inay gacanta ku qabtaan cidii carqaladaysa amniga gobalka mudug wuxuu sidookale taliye gorod dhinacyada gobalka ugu baaqay in nabadda laga wada shaqeeyo wada hadal lagu xaliyo wax walba oo qilaaf ah oo ka dhax jira dadka labada dhinac

Wadooyin kaan xirnaa ee lagu gulaysat maanta furitaankooda ayaa kuxirmay dagaalao is xig xigay oo ka dhacay galkacyo kuwaas oo udhaxeeyay puntland iyo galmudug hasa ahaatee da daalo horay la isugu dayay inlagu furo manoqon kuwa mira dhalay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here