Kooxda Real Madrid ayaa ku guuleesatay tartanka naadiyada aduunka oo ay 1-0 guusha kaga qaateen naadiga Gremio ee dalka Brazil ka dhisan.

Cristiano Ronaldo ayaa soo idleeyay adkeysigii kooxda Gremio kadib laad xor ah uu dhex dhigay shabaqa kooxdan daqiiqadii 53-aad.

Ronaldo wuxuu noqday cayaaryahankii ugu horeeyay labo Fiinaal oo isku xigto tartanka FIFA Club World Cup goolal dhaliyo ama shabaqa soo taabto.

Real Madrid ayaa difaacatay koobkan ayadoo 2016 hanatay sidoo kalena macalin Zidane mudada gaaban ee uu Los Blancos hogaaminayo wuxuu u qaaday 8-koob!

Real Madrid markii 6-aad ayay ku guuleesatay koobkan FIFA  Club World Cup waxayna Madrid haatan si rasmi ah u noqotay kooxda aduunka ugu wanaagsan marba hadii ay gacanta ku dhigtay koobkii kooxaha aduunka loo dhigay ee dalka UAE ka socday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here