Pep Guardiola kooxdiisa Man City guusheedii 16-aad oo xariir ah ayay gaartay Premier League kadib markii 4-1 ay ku xasuuqeen naadiga Tottenham.

Man City waxay hogaanka cayaartan u qabatay daqiiqadii 14-aad kadib markii Gundogan uu madaxa ku dhaliyay kubad koorno ahayd ee uu Sane soo tuuray.

Qaybta hore cayaarta ayaaba Tottenham u rooneed madaama hal gool laga dhaliyay laakiin qaybtii labaad xasuuq xoogan ayaa loo geestay ayadoo kubad iyo goolal la isugu daray.

Kevin de Bruyne ayaa daqiiqadii 70-aad cayaarta 2-0 ka dhigay asigoo baas uu soo gaarsiiyay Gundogan sii qaatay sidoo kalena lugta bidix soo gan ula helay shabaqana u gudubtay.

Man City daqiiqadii 76-aad waxaa lo dhigay rigoore balse Gabriel Jesus ayaa nasiib daro qoriga goosha ku dhuftay halka kubadii soo laabtay Sterling uu dhameestiri waayay.

Raheem Sterling dulqaadkiisa kuma qasaarin kadib marki daqiiqadii 80-aad uu 3-0 ka dhigay asigoo si qurux badan u dhameestiray kubad uu Sane caawinaad ka geestay.

Raheem Sterling ayaa daqiiqadii 90-aad goolkiisa labaad dhaliyay sidoo kalena cayaarta ka dhigay 4-0.

Christian Eriksen ayaa goolka calanka u dhaliyay Spurs cayaartana kusoo idleeyay 4-1 wuxuuna goolka dhaliyay xili daqiiqadah dayacaada lagu jiray.

Man City awood aan caadi ahayn ayay ku maquuniyeen Tottenham waxayna Spurs ka mid noqdeen kooxaha waa weyn ee xili cayaareedkan Guardiola afka ciida u wada daray.

City haatan waxay leedahay 52-dhibcood waxayna cayaareen 18-kulan ayagoo hogaanka 14-dhibcood kaga hayaan kooxaha Man United iyo Chelsea oo min 38-dhibcood isla leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here