Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa guul 1-0 ka gaartay naadiga Newcastle United kulanka ka tirsan horyaalka Premier League oo ay ku soo dhaweysay garoonkeeda Emirates.

Qeybta hore ee ciyaarta intii lagu guda jiray ayay labada kooxood isku heleen fursado dhowr ah, laakiin markii dambe waxaa hoggaanka qabatay Arsenal.

Gunners ayaa goolka qura ee ay guusha ku qaadatay kulankan waxaa u dhaliyey xiddigeeda Mesut Ozil, kaddib markii uu shabaqa gaarsiiyey kubad dhul ma dhacdo ah daqiiqaddii 23-aad.

Sidaas ayaa lagu kala nastay Gunners oo ciyaarta ku hoggaaminaysa 1-0, laakiin markii dib la isugu soo laabtay kooxda Arsene Wenger waa ay ku guuleysatay inay gool kale dhaliso kulanka ayaana ku soo dhammaaday 1-0 looga adkaaday Newcastle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here